5 Shay Ayu Qofku Ka Eegaa Cuntada Uu Cunayo


1 Mooska waa shayga ugu badan dadku ka eegaan cuntada, waxaa jira dad aan cuntada si fiican aan u cuni karin hadii aysan cuntadu moos lahayn sidoo kale waxaa jira dad mooska iyo cuntada isku wada, hadii moosku dhamaadana cuntada ka taga

2 U fiirso guri kasta waxaa laga helaa qof jecel cuntada xalay soo hartay inuu ku kallaho gaar ahaan cambuulada waxaad jira dad badan oo aaminsan in cambuulada ama digirtu aad u macdahay subaxdii waana sax waayo cuntada proteinka leh sida digirta lama cuno habeenkii.

3 Inta badan dadka waxaa jira cuntada ay cunayaan gaar ahaan quraacda ku cuna timir, timirtu waxay socodsiisaa cuntada. Dadka aadka u cuna timirta waxay u badan yihiin dad neceb cunista canjeerada taas ayaana keenaysa inay raadiyaan timir si canjeeradu ugu socoto

4 Biyaha lagu wado cuntada- la yaab waxaa leh in dadka qaar cunto aysan wadi karin hadii aysan ku kabanayn biyo taas oo ah wax aan qofka u fiicneen caafimaad ahaan, waxaa dadkaas ka dhaadhacsan in cuntada ku istaagayso hadii aysan biyo ku kabban. 
Qofkas bilo ama sanado yar kahor biyo isagoo ku kabban ayuu cuntada cuni jiray.

5 Dadka waxaa laga helaa laba qof oo astaamo cajiib ah leh, waxaa jira qof hammi u haayo cuntada, maalin kasta soo guranaya cunto badan hadana reebaya, hamigiisa iyo tabartiisa isma lahan. 

Sidoo kale qof waxaa jira jecel inuu dadka kale wax la cuno neceb inuu kaligiis cunto cuno, qofkan dambe inta badan waa qof dabeecadiisu wanagsan tahay.

Dadkaaas kee tahay adi?????


Post a Comment

0 Comments